telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Muxuu Ahaa Feeryahanka reer Morocco Ee Dadka Dib Usoo Xusuusiyay Mike Tyson ?

Tartankii Younes Baala iyo David NikiaTartankii Younes Baala iyo David Nikia

Feeryahanka reer Marooko Younes Baala ayaa dadka dib u soo xasuusiyay qaniinyadii feeryahankii waynaa ee Mike Tyson, ka dib markii uu isku dayay in uu dhagta ka qaniino ninkii la tartamayay ciyaaraha Olimbikada.

Younes Baala oo la tartamayay feeryahanka kale ee u dhashay New Zealand, David Nikia, ayaa isku dayay in uu dhagta ka goost, taasi oo dadka soo xusuusisay Mike Tyson, oo 24 sano ka hor dhagta ka qaniinay Evander Holyfield .

Baala, oo 22 jir ah, ayaa wajahay ciyaar adag, waxaana la arkayay intii lagu guda jiray wareegga saddaxaad iyo wareegii ugu dambeeyay ee tartanka feerka miisaanka culus, in uu afka kala qaadayay isga oo u muuqday in uu isku dayayay in uu doonayo in dhagta ka qaniino feeryahankii uu la tartamayay.

Horyaalkan reer New Zealand, oo sitay calankii dalkiisa furitaankii Ciyaaraha Olambikada, ayaa faallo ka bixiyay wixii dhacay wuxuuna yiri: “wuu awoodi waayay in uu i qaniino,Nasiib wanaag waxaa afka ugu jiray suuf .

“Ma xususto waxaan ku iri laakiin waxaan ugu jawaabay wixii uu mudnaa,” ayuu intaa ku daray Nikia.

Nikia ayaa sheegay in horey ay dhacdo tan la mid ah ugu dhacday xilligii ciyaarihii Gold Coast ee dalalka barwaaqa sooranka, markaasi oo qofkii uu la tartamayay uu xabadka ka qaniinay.

Feeryahankii caan-baxay ee Mike Tyson wuxuu lagu xasuustaa qaniinyada ugu caansan taariikhda feerka aduunka, markaasi oo uu dhagta labo jeer ka qaniinay ninkii la tartamayay oo lagu magacaabi jiray Holyfield.

Dhacdada qaniiyada Tyson ayaa ka dhacday Las Vegas sanadii 1997.

Feeryahankii caan-baxay ee Mike Tyson aya dhacdadaasi ka dib waxaa uu lumiyay leysinkii feerka mudoo 15 bilood ah.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom