telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

URUR SIYAASADEEDKA SHAQAALAHA EE DALKA SOMALILAND (SOMALILAND LABOUR PARTY)

URUR SIYAASADEEDKA SHAQAALAHA EE DALKA SOMALILAND
(SOMALILAND LABOUR PARTY)

Hargeisa(Gaaroodinews) Urur Siyaasadkan cusub Ayaa Noqonaaya Kii Ugu Horreeyay Ee Lagu Dhawaaqo, kuna saxeexan yahay Faysal Yuusuf, Afhayeenka ku meelgaadhka ah oo lala wadaagay warbaahinta madaxa bannaan qaarkood ayaa u dhignaa sidan:-

UJEEDDO: ICLAAMIN URUR SIYAASADEED CUSUB.

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal si aan ka jirin in badan wadamada gobolka, Afrika iyo dunida uu ka hana qaaday nidaam dimuqraadiyadeed si waafaqsan Dastuurka Qaranka JSL ee aftida loo qaaday sannadkii 2021 markaas oo uu dalku qaatay nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinka tooska ah heer dawlad hoose, wakiillo illaa heer madaxtooyo. Ka sokow dib u dhacyo jiray doorashooyinka qaarkood, waxaa hadana illaa immika ka qabsoomay dalka JSL sideed doorasho toos ah oo xor iyo xalaal ahaa, isugu jirayna seddex doorasho deegaan, seddex doorasho madaxtinimo iyo laba doorasho wakiillo kuwaasoo ay bulshada Somaliland shacab ahaan iyo dal ahaan ba ku kasbadeen sumcad ballaadhan, isla markaana uga dhigan gayiga in lagu dhaqmayo dastuurka iyo qaanuunka dalka JSL, muwaadiniintuna ay cod iyo xuquuq siyaasadeed ku leeyihiin talada dalkooda.

Shacabka Somaliland waxay waayo aragnimo fiican u leeyihiin dhaxal xumada uu leeyahay xukun diktaytar, xorriyad la’aan dadweyne iyo xuquuqda siyaasadeed oo laga qaado muwaadinka taasoo ka mid ahayd sababihii dhaliyay halgankii dhiigga badani ku daatay ee dib ula soo noqoshada madaxbanaanida dalkii la odhan jiray Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland 18 May 1991 oo maantana ah Jamhuuriyadda Somaliland ee jiritaankeeda, nabadgelyadeeda iyo nidaamkeeda dawladeed la mahadiyay xataa haddii aan weli ku yeelan kursigeeda qaramada midoobay. Sii wadida nidaamka dimuqraadiyadeed iyo geeddi socodka doorashooyinku waxay ahmiyad weyn u leeyihiin geeddi socodka horumarka qaranka ee dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed iyo hiigsiga barwaaqada uu qarankani ku taamayo inuu gaadho si loola dagaalamo faqriga iyo shaqo la’aanta.

Sida waafaqsan Qodobada Dastuurka Qaranka JSL ee 9aad, 22aad iyo 23aad iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, muwaadiniinta Somaliland waxay xaq u leeyihiin inay isu habeeyaan oo ay u furtaan ururo siyaasadeed sida sharcigu jideeyay. Laba ka mid ah axsaabta siyaasadda Somaliland ee immika dhisani waxay soo jireen muddo 17 sano ah halka uu xisbiga seddexaadna sannadkan toban jirsanayo, dhammaantoodna waxaa sidaas gebogebo kaga dhaw oo ka dhammaanaya muddo xileedkii xisbinimo ee tobanka sano sida xeerka wafaaqsan. Sii wadida nidaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka kala duwan oo xilligooda lagu qabto wuxuu markasta xil ka u weyni ka saaran yahay xukuumadda talada haysa, axsaabta qaranka iyo labada gole ee baarlamaanka Somaliland inay dhamaystiraan wixii shuruuc ah ee ku xidhan, lana diyaariyo miidaanka lagu tartamayo.

Waxay dadweynaha Somaliland ku diirsadeen go’aankii geesinimada lahaa ee Golaha Wakiillada uu xilkoodu dhammaaday ku soo khatimeen shaqadooda dib u xeegista iyo ansixxinta xeerka nidaamka diwaangelinta ururada iyo axsaabta siyaasadda, Golaha Guurtiduna ansixiyeen, Madaxweynuhuna saxeexa ku duugay 28kii July 2021 dhaqan-galkiisa. Tani waa guul qaran oo markale aan u debbaal degaynno 2022 haddii Alle Idmo. Aqoonyahan badan oo karti iyo han leh, xaqna u leh inay ka qaybgalaan siyaasadda wadanka heerkastaba kuwaasoo kor u haydu ku dheeraatay ayay tani fursad qaali ah u tahay halka ay xisbiyada jirana u tahay fursad kale oo ay isku qiimeeyaan heerka ay joogaan xagga taageerada ay bulshadu hayso.

Anigoo ku hadlaya magacayga, kana wakiil ah Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah iyo aas’aasayaasha Urur Siyaasadeedka Bahweynta Shaqaalaha Somaliland, waxaan marka hore hambalyo gaadhsiinayaa Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guud ahaan Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay ee talada dalka hoggaaminaysa qabashadii doorashooyinkii taariikhiga ah ee isku sidkanaa ee dalka ka qabsoomay May 31, 2021, iyo dadaalka iyo go’aanka geesinimada leh ee uu misana diyaarka u yahay diyaarinta qabashada doorashada ururada iyo axsaabta siyaasadda oo sida xaqiiqada ah doorkan ka hawl yaraan kara kuwii hore 2012 maadaama aan lala dooranayn ururada iyo xisbiyada goleyaal deegaan oo taas hawsheedi dhammaatay.

Urur Siyaasadeedka Shaqaalaha Somaliland oo dhawaan qabsan doonaa Shirweynihiisa Koowaad waxaa ku bahoobay oo uu ka soo go’ay go’aanka dhismaha iyo ku dhawaaqidda urur siyaasadeedkani, muwaadiniin badan oo xirfadleyaal khubaro ah iyo dad aqoonyahan ah, siyaasiyiin, dhalinyaro, waayeel iyo haween ba leh kuwaasoo u badan xubno wakhti iyo tacab badan soo geliyay dhismaha dalkooda, sidoo kalena, u badan dad dhiig cusub ah oo aan hore xilal siyaasadeed uga soo qaban dawladda Somaliland balse siyaasiyiin xilal waaweyn ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ama xubno ka soo noqday golihii hore ee wakiillada, qaar muddo dheer ku soo jiray ururada bulshada, xubno ka mid ahaa gudiyada ururada shaqaalaha rayidka ah ee kala duwan ee kuwa xoog maalka ah iyo kuwa xirfadleyaasha ah isugu jira, xubno ka mid ah gudiyada ururada ardayda jaamacadaha dalka, xubno dhakhaatiir ah, suxufiyiin, macalimiin, culimo awdiin, xubno ganacsato ah, iyo weliba dad kale oo xirfadleyaal ama ganacsato caan ah oo magac ku leh Somaliland, kana soo kala jeeda dhammaan gobollada Somaliland.

Waxaa ka mid ah barnaamijka urur siyaasadeedkan cusubi usoo bandhigi doono bulshada Somaliland, tabo iyo xeelado siyaasadeed oo badan oo loogu hiilinayo geeddi socodka horumarka qaranka, dhiirrigelinta waxsoosaarka iyo kobcinta dhaqaalaha, dhimista faqriga, la dagaalanka shaqo la’aanta, ictiraaf raadinta, ilaalinta xuquuqda shaqaala weynaha guud, xoojinta doorka dhalinyarada iyo haweenka, la dagaalanka qabyaaladda iyo haybsooca, garsoorka iyo caddaaladda, arrimaha bulshada, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo qodobo kale oo ahmiyad u leh horumarka iyo hiigsiga barwaaqada qaranka JSL.

Urur Siyaasadeedka Shaqaalaha Somaliland wuxuu soo dhawaynayaa talooyinka, taageerada iyo xubinimada dhammaan qaybaha bulsho weynta Somaliland, bahweynta shaqaalaha iyo mujtamaca kaleba ee jecel inay ku biiriyaan taladooda, tamartooda iyo tacabkoodaba kana soo qaybgalaan dhismaha ururka ee yagleesha ah meel ay joogaan ba Somaliland iyo dalka dibadiisaba. Dhismaha ururku wuxuu ku jiraa marxalad bilaw ah oo loo baahan yahay taageerada bulshada, si gaar ahna laga filayo bahweynta shaqaalaha Somaliland ee bulshada rayidka ah iyo kuwa qaranka u shaqeeyaaba inay sida sharcigu u bannaynayo uga soo qaybgalaan dhismaha urur siyaasadeedka shaqaalaha Somaliland ee lagu dhawaaqay.
Guusha Ilaahay baa haya, waxaannu rajo weyn ka qabnaa in urur siyaasadeedkan cusubi taageerada ugu ballaadhan muddo gaaban ka kasbanayo bulshada Somaliland, isla markaana uu durduro kaga gudbayo qiimaynta koowaad, kana mid noqon doono seddexda xisbi qaran ee ku guulaysan doono inay soo baxaan haddii Alle yidhaaho.

Wadamo aad u badan ayaa leh xisbiga shaqaalaha kuwaasoo gaar ahaan Afrika ay ka mid yihiin Tanzania, Zimbabwe, Morocco, Nigeria, Liberia, Congo, Mauritius, South Africa iyo sidoo kale ay leeyihiin wadamada UK, Sweden, Norway, Portugal, Poland, The Netherland, Ireland, New Zealand, Australia, Iran, Indonesia, Taiwan, Hong Kong, Israel, Brazil, Mexico iyo wadamo kale oo tiro badan kuwaasoo wadamada ay talada qabteen badankooda wax badan ka qabtay horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ba iyo mucaarad xooggan oo wax toosiya haddii aanay hoggaamin.

Muwaadin, kala soco wararka ku saabsan dhismaha iyo dhaqdhaqaaqa hawlaha urur siyaasadeedkan cusub ee ururka shaqaalaha Somaliland (Somaliland Labour Party) bogga uu ku leeyahay baraha bulshada internet-ka, taageeradaaduna ahmiyad weyn ayay innoo wada leennahay inaan gaadhno ujeedooyinkeenna siyaasadeed haddii Alle idmayo.

“Rag tashaday dhul waa toli karaan taako labadeed.”
“Gacmihii is wada kaashadaan shayna ku adkaane
Caqligii is wada biirsadaa ceel biyayn kara,” Abwaan Timacadde.

Wa Billaahi Tawfiiq

Mudane Faysal Yuusuf
Afhayeenka ku meelgaadhka ah
Hargeisa

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom