telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maansada Ka Ilaasha Cadaawe Waxaa Curiyay Maansada Abwaan Khadar Mawliid Tabaase

Hargeisa(Gaaroodinews) Maansada Ka Ilaasha Cadaawe Waxaa Curiyay Maansadaa Abwaan Khadar Mawliid Tabaase :- 

Allahayoow idilkeen
Inteena adduunkiyo
Ifka maanta ku nool
Wixii aynu awoodno
Asturoo arrinkeena

Ubadkiyo carruurta
Ehelkeena dhamaan
Edebteena hagaaji
Ku ilhaami wanaagoo
Arsaaq suuban nasii

Inteenii ka aroortee
Eebbeheen ajashooda
Arwaaxdooda ka qaade
iilka maalin la geeyay
Dibna loo arki doonin

U iftiimi xabaasho
Janadii iridooda
Albaab u baneeyoo
Awoodaada ku dhawroo
Ka ilaali cadaabta

Waxse aan odhan laa
Dhamaantiin ereygaygan
Waa ammaano korkiinee
Marna yaan la ilduufin
Ama yaan la ilaabin

Arligaynu xoraynay
Kolay waad aragtaano
Ifafaalaha taagan
Allow noo sahal mooye
Arrinkiisu ma fiicne

Isku duubni ogaadoo
Abtirsiimo la dhaafiyo
Aafo weeye qabiile
Tafaraaruq ilooboo
Ka ilaasha cadaawe

Aamiin….Aamiin…. Aamiin
✍Khadar mawliid_tabaase
Maansadii KA ILAASHA CADAAWE

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom