telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Mareeyaha Haaya’da Duulista Iyo Madaarada Jsl Oo Tababar Usoo Xidhay Shaqaalaha Dabdamiska Airport Hargaysa Oo Mudo Sadex Bilood Ah Tababar U Socday + Muuqaal/Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Mareeyaha Haaya’da Duulista Iyo Madaarada Jsl Md Sayid Cumar Cabdilaahi Aadan Ayaa Maanta Tababar Usoo Xidhay Shaqaalaha Dabdamiska Airport Hargaysa Oo Mudo Sadex Bilood Ah Tababar U Socday

Maareeyaha Haayada Duulista Iyo Madaarada Somaliland Md Sayid Cumar Cabdilaahi Aadan Oo Munaasibada Uu Tababarka Ugusoo Xidhaayay Shaqaalaha Dabdamiska Airportka Hargeisa Kahadlay Ayaa Kawarbixiyay Waxyaabihii Uqabsoomay Haayad Ahaan Iyo Dayactir Ayku Sameeyeen Gaadiidka Casriga Ah Ee Dabdamiska Madaarka Cigaal Airport Maadaama Ay Tahay Buu Yidhi Maareeyuhu In Lagu Dadaalo Bad Qabka Rakaabka Diyaaradaha Iyo Shacabka Ka Gooshaaya Madaarka Waxaana Uu Yidhi :-

” Meesha Ugu Horaysa Ee Markii Aan Imid Aan Awooda Saaray Waxaa Weeye Safetyga Waayo Rakaabka Diyaaradaha Iyo Umadda Meesha Kagooshaysa  Waxayku Niyadsan Yihiin Inla Helo Qaybta Gurmadka Degdega Ah Haday Tahay Caafimaadka Iyo Haday Tahay Dabdamiska Waana Siday Tahay Airporada Caalamka Oodhan ” Maareeye Cumar Sayid

Dhanka Kale Maareeye Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan Waxaa Uu Tafaasiil Kabixiyay Halka Ay Maraysay Shaqada Shaqaalaha Dabdamiska Madaarku Taasoo Uu Sheegay Markuu Maamulka Madaarka Uu Yimi Inuu Dhaqaajiyay Waaxda Dabdamiska Isla Markaana Uu Shaqaalihii Waaxda Dabdamiska Iyo Gaadiidkiiba Uu Siwayn Uhawlgaliyay

” Runtii Qaybtan Dabdamiska Hore Standarkan Baanu Gaadhsiinay Berigii Hore Ee 2015 Ilaa 2016 Gaadhigu Markii Uu Fadhiistaybay Waxoogaa  Shaqaalihiina Tiradii Kayaraadeen Toban Xubnood Ilaa 12 Xubnood Baa Kahawlgalaayay Markaan Imid Kumay Filnayn Labada Shifti Markaa Waxaanu Usamaynay Laba Shifti Oo Iswaydaaranaya Oo Kufilan Shaqada Iyo Qalabkii Oo Dhamaystiran Runtii Waxaanu Iyadana Qalabaynayn Shaqaalaha Oo Dhamaan Dirayskoodii Iyo Kabahoodii Maanta Laga Bilaabo Waxwaliba Way Udhamaystiran Yihiin ” Maareeye Cumar Sayid

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom