telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Recep Tayyip Erdogan: Muxuu madaxweynaha Turkiga u doonayaa inuu soo jiito dalalka Islaamka iyo Ruushka ?

ErdoganMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bishii la soo dhaafay sheegay inuu ka shaqeynayo xoojinta xiriirka Ruushka iyo dalalka Islaamka ee ku horumaray dhaqaalaha.

Isla bishaas, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu telefoonka kula hadlay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, iyadoo wada hadalkoodu uu ku saabsanaa xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka. Xilligaas, Erdogan ayaa Jinping u sheegay inuu jiro xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasi oo u dhaxeyn kara Turkiga iyo Shiinaha.

Sida laga soo xigtay telefishinka dowladda ee TRT World, madaxweyne Recep Tayyip Erdoan ayaa haatan sheegay inuu daneynayo in iskaashi dhaqaale, ganacsi, gaashaan-dhigga, dalxiiska iyo maalgashiga la yeesho Ruushka iyo dalalka Islaamka, sababtuna ay tahay inay faa’iido u leedahay dhammaan dhinacyada.Turkiga

Erdogan ayaa intii uu socday shirka Kazan ee 12-aad sheegay in xogta wax dhoofinta iyo koboca dalkaas ee saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadka ay ka marqaati kacayaan guulaha is daba joogga ah ee Turkiga ee sanadkan 2021.

Erdogan ayaa yiri, “Innagoo hal dhan xoojineyna xiriirka dalalka deriska ah kana bilaabeyna kan noo dhow dhul ahaan, dhanka kalena waxaan sidoo kale isku dayeynaa inaan kordhinno fursadaha ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhaxeeya dalalka Islaamka,” ayuu yiri.

Wuxuu sidoo kale yiri, “Marka laga soo tago tallaabooyinka Ururka Iskaaashiga Islaamka (OIC) ee loo qaaday iskaashiga iyo dhaqaalaha, waxaan sidoo kale dhowaan xoojinnay howlaheenna quseeya heerka iyo ansixinta cuntada xalaasha ah.”

Erdogan ayaa sheegay in xogta dhaqaalaha ee inta lagu guda jiro xanuunka safmarka ah ay muujineyso koboc 1.8% ah oo sanadkii 2020-ka ah, inkastoo xilli adag lagu jiray.Turkiga

Sicir-bararka sii kordhaya

Hal dhinac, wuxuu Erdogan isku dayayaa inuu farsameeyo xogta wax dhoofinta iyo horumarka, halka uu dalkaasi mar kale muujinayo calaamado xasarado dhaqaale.

Maalgashadayaasha caalamka ayaa ku wareersan Turkiga sababo la xiriira beddelidda faraha badan ee guddoomiyaha bankiga dhexe. Erdogan ayaa labadii sano ee la soo dhaafay afar jeer beddelay guddoomiyaha bankiga dhexe.

Doorashooyin ayaa lagu wadaa inay dalkaasi ka dhacaan sanadka 2023. Isla sanadkaas, Turkiga, oo noqday jamhuuriyad casri ah, kaddib dhammaadkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa u dabaal degi doona 100 sano guuro. Mustafa Kemal Ataturk, oo ku sawiran lacagta Liirada ee dalkaas, ayaa ah madaxweynihii ugu horreeyay ee Turkiga.

Balse kaddib in ka badan 100 sano, xasarad dhaqaale oo weyn ayaa hor taagan madaxweyne Erdogan.

Xagaagan, Erdogan ayaa guddoomiyaha bankiga dhexe ka codsaday inuu dhimo qiimaha dul-saarka. Wuxuu sheegay inuu doonayo in la dhimo bilaha July, August.

Balse Machadka Xisaabaadka ee Turkiga ayaa sheegay in heerka sicir-bararka dalkaas uu haatan aad u xun yahay.

Wuuxu machadku sheegay in sicir-bararka uu 17.5 kordhay bishii June. Tani saddex jibbaar ayay ka badan tahay xaddiga 5% ah ee bankiga dhexe.Turkiga

Hoos u dhaca Liirada

Taariikhdu markii ay ahayd 15 July 2016, Liirada dalkaas ayaa aad hoos ugu dhacday intii lagu guda jiray afgembigii dhicisoobay shan sano kahor. Markaas halkii doollar wuxuu la qiimo ahaa ilaa saddex Liiro.

Sanadkii 2018, Turkiga ayaa wajahay xasarad weyn oo dhaqaale. Kaddib waxaa si lama filaan ah hoos ugu dhacay lacagta Liirada. Bankiyada Spain, Faransiiska, Mareykanka, Talyaaniga, Japan ayaa deymo badan siiyay Turkiga.

Bishii August 2018, markii Mareykanku uu labo laabay canshuurta biraha iyo alumuuniyunta la dhoofiyo, liirada ayaa 16% ka hoos martay doollarka.

Liirada, oo sabbeyneysay labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa waxay hoos u dhacday ilaa booqlkiiba 40. Bishii September ee sanadkaas, halkii doollar wuxu qiimihiisu ahaa 6.54 oo liiro ah.

Wixii intaas ka dambeeyay, Erdogan wuxuu isbeddel ku sameynayay siyaasaddiisa dhaqaalaha, balse weli dhaqaalaha ayaa hoos u dhacsan.Turkiga

Yididiillo horumar ah

Sanadkan waxaa jira hoos u dhac baahsan bishii January balse inta lagu guda jiro xilliga xanuunka safmarka ah waxaa jirta rajo soo kabasho ah.

Bandow ayaa Turkiga ka jiray 15-kii maalmood ee ugu horreeyay bishii May sababo la xiriira xanuunka coronavirus. Balse xilligaas qiimuhu ma kordhin. Khubarrada dhaqaalaha ayaa sheegay in mamnuucidda iibka badeecooyinka qaar ee inta lagu guda jiro xanuunka safmarka ah ay wax ka qabteen sare u kaca qiimaha.

Markii ugu horreyay bishii July, sanadkan ayay soo xoogeysatay lacagta Liirada. Bishan Liirada ayaa kor u kacday boqolkiiba saddex.

Dhanka kale, Istanbul ayaa goob la jecleysto u noqotay dalxiisayaasha marka la barbar dhigo dalalka Gacanka sababo la xiriira iyadoo aysan jirn xayiraado dhanka safarka ah, qiimaha oo hooseeya, dhaqanka, dabiiciyadda, cuntada iyo cimilada.

Waaxda dalxiiska ee Turkiga ayaa boqolkiiba 12 ku kordhisa dhaqaalaha dalkaas.

Sidaas darteed, isagoo niyadda ku haya hagaajinta dhaqaalaha dalkaas, indhaha Erdogan waxay ku jeedaan kordhinta tirada dalxiisayaasha ka imaanaya Ruushka, Jarmalka iyo dalalka Islaamka

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom