telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maraykanka Oo Darawalo Ka Dhoofsanaya Koonfur Afrika

Darawal Koonfur AfrikaDarawal Koonfur Afrika

Shirkadaha Maraykanka ayaa raadinaya wadayaasha gaadiidka masaafada dheer ama gaadiidka xamuulka, kadib darawalo yaraan soo food saartay dalkaasi.

Maadaamaa wadayaasha Koonfur Afrika ay ku hadlaan Ingiriiska, waxaa aad u sahlanaan doonta in ay si dhaqsiyaha ah ku helaan shatiga wadista baabuurta.

Iyada oo sanadihii lasoo dhaafay ay jirtay darawal yaraan, ayaa haddane waxaa xaalada uga sii daray cudurka Karoonaha oo xagal daaciyay hawshan culus ee socota.

Intii lagu jirey xayiraadda safmarka Karoonaha, dad badan ayaa u leexdey dhanka ganacsiga badeecooyinka ee qadka Internet-ka, balse waxaaba yaraaday dadkii geyn lahaa alaabahaasi marka internet-ka laga iibsado, taas oo markale sii kordhisay dalabkii darawalada.

Shirkadaha ayaa bilaabay in ay musharaad iyo gunnooyin kale oo dheeraad ah, si wadayaasha loogu dhiirogaliyo in ay sii shaqaystaan.

Sidaas oo ay tahay ma sahlana in wadayaal ajaaniib ah la geeyo Maraykanka, waxaa jira arrimo la xiriira fiisaha iyo qawaaniin xagga socdaalka ah oo ay tahay in la raaco.

Balse mar haddii ay tagaan halkaas, waxa kaliya oo ay tahay in ay bartaan ayaa ah in ay baabuurta ka kaxayn karaan dhanka midig ee wadada

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom