telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Maxamuud Xaashi Yaanuu Sheegan Guusha Isbahaysiga..Ana Dhawaan Ayaan Siyaasada Kafadhiisan Doonaa ” Siyaasi Ismail Yare + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Siyaasi Ismail Yare Oo Kamid Ah Saraakiisha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Ayaa Wuxuu Kahadlay Hadal Haynta Kadhalatay Guusha Ay Isbahaysiga Mucaaradku Ayka Gaadheen Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Taasoo Dadka Qaar Ay U Aanaynayeen Guushaasi Inuu Kadanbeeyay Siyaasi Maxamuud Xaashi

Siyaasi Ismail Yare Ayaa Waxaa Uu Sheegay Inaan Guushaas Loo Nisbayn Karin Siyaasi Maxamuud Xaashi Balse Siyaasigaasi Uu Kamid Ahaa Siyaasiyiintii Isbahaysiga Kala Shaqaynaayay Inay Gaadhaan Kursiga Shirgudoonka Golaha Wakiilada

Dhanka Kale Siyaasi Ismail Yare Oo Kamid Ah Siyaasiyiinta Waawayn Ee Reer Somaliland Ayaa Wuxuu Sheegay Inuu Dhawaan Kafadhiisan Doono Siyaasada

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom