telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Sheekh Jarrah:- Maxay Falastiiniyiintu Uluminayaan Guryahooda Qudus ?

Palestinian man gestures to Israeli police in Jerusalem (10/05/21)Xiisadaha ka taagan Qudus ayaa cirka isku shareeray horraantii sanadkan

Maxkamadda ugu sarraysa Israa’iil ayaa waxa ay ka baaraandagaysaa kiis sharci oo muhiim ah oo ay ku lug leeyihiin Falastiiniyiin wajahaya inay lumiyaan guryahooda ku yaal magaalada Qudus oo ay ku nool muddo tobannaan sanadood ah.

Halka ay ku dambayn doonto xaaladda qoysaska aagga Sheekh Jarrah iyo kuwa kale oo loogu goodiyay in si khasab ah loogaga saari doono Bariga Qudus, ayaa waxa ay horseedday dibadbaxyo iyo iskudhacyo muddo todobaadyo ah socday.

Muranku muxuu salka ku hayaa?

Sheekh Jarrah oo ah xaafad ay deggan yihiin Falastiiniyiinta kuna taal Bari Qudusta la haysto, ayaa waxa ay u dhawdahay magaalada qadiimiga ah iyo goobaha barakaysan ee magaaladaasi.

Waxaa jiro muran muddo dheer soo jiray oo ku saabsan cidda iska leh dhulka aaggaas, arrintaas oo kooxaha Yuhuudda ee dhulka Falastiiniyiinta daga ay daba socdeen in xoog Falastiiniyiinta halkaas loogaga saaro, kuwaas oo laf ahaantooda halkaas qaxootinimo ku degay.Map showing locations of Israeli settlements and Palestinian built-up areas in East Jerusalem, including Sheikh Jarrah

Qariidadda degmadan yar ee ku dhextaal magaalada Qudus ayaa udub dhexaad u ah colaadda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa magaalada oo dhan waxa ay u aragtaa caasimadeeda – arrintaas oo aanay aqoonsanayn inta badan beesha caalamka.

Falastiiniyiinta ayaa doonaya in Bariga Qudus ay noqoto caasimadda dowladda Falastiiniyiinta ee mustaqbalka.Satellite map of Sheikh Jarrah in East Jerusalem indicates properties at risk of eviction.

Maxaa ka dhacayay Sheekh Jarrah?

Ururrada Yuhuudda ayaa sanadkii 1876 waxa ay dhul ka iibsadeen meel u dhaw macbadka barakaysan ee Yuhuudda ee Shimon Hatzadik, ee ku yaal Sheekh Jarrah, bulsho ayaana halkaas ku noolayd muddo tobannaan sanadood ah.

Hasayeeshee kaddib dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-1949, Qudus, halkaas oo Carabta iyo Yuhuuduba ay iskula noolaayeen, ayaa waxaa loo kala qeybiyay dowladda Israa’iil iyo Boqortooyada Urdun.

Dadka Yuhuudda ayaa waxaa laga barakiciyay bariga halka Falastiiniyiintana laga barakiciyay dhinaca galbeed ee magaalada.Two men throwing chairs at a house flying the Israeli flag in Sheikh JarrahBishii May xaafadda Sheekh Jarrah waxaa ka dhacay dagaal

Urdun waxa ay maamuli jirtay Bariga Qudus, oo waxa ay mas’uul ka aheyd qaxootiga Falastiiniyiinta ee halkaas u soo qaxay.

Iyadoo gacan laga helayo Qaramada Midoobay, ayaa mas’uuliyiinta Urdun waxa ay qaar ka mid ah qaxootiga dhul ku yaal Sheekh Jarrah uga dhiseen 28 guri, halkaas oo markii hore ay lahaayeen ururrada Yuhuudda balse halkaas waxaa lagula wareegay sharciga Urdun ee lagula wareego hantida cadawga.

Qoysaskaas ayaa waxaa loo ballanqaaday in la siin doono sabarloogooyin sharci ah – arrintaas oo aanay weligood helin.

“Qoysaskii ay dooratay hay’adda qaxootiga Falastiiniyiinta ee Qaramada Midoobay (Unrwa) ayaa haatan waxa ay ka badan yihiin 60 qoys oo ka kooban saddex jiil oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Sheekh Jarrah,” sida lagu sheegay warbixin dhawaan uu soo saaray ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay.JerusalemIsraa’iil waxa ay Bariga Qudus dagaalkii Juun 1967 waxa ayna ku dhaqdaa shuruucdeeda

Hasayeeshee wixii ka dambeeyay dagaalkii Juun 1967, Israa’iil waxa ay qabsatay Bariga Qudus waxa ay ku dhaqdaa shuruucdeeda – arrintaas oo Qaramada Midoobay ay leedahay waa sharci-darro.

1970-kii, waxaa la soo saaray kala xukmiya dadka kala duwan ee kala sheeganaya lahaanshaha deegaannada sida Sheekh Jarrah.

Dhulkii mas’uuliyiinta Urdun ay ku asteeyeen “hantida cadawga” intii u dhaxaysay 1948-1967 ayaa waxaa lagu wareejiyay golaha Sharciga Guud Israa’iil, golahaas oo mas’uul ka ah in dhulka dib loogu celiyo dadkii lahaa wixii ka horreeyay 1948 – ama dadkii dhaxlay.

Falastiiniyiinta sikastaba xaalku ha ahaadee, ayaanan lahyan awood ay ku soo ceshan karaan hantidooda luntay ee ku taal Galbeedka Qudus, ama deegaannada kale ee Israa’iil ku dhexyaal, kuwaas oo lagu maamulo sharciga 1950, kaas oo tilmaamayaa in dhulkaas laga tagay lana galiyay gacanta dowladda, walow ay dalban karaan magdhaw uun.

Laba urur oo Yuhuud ah, ayaa waxa ay xaaladaha qaar soo bandhigaan dikumintiyo la qoray waagii Cuthmaaniyiinta, kuwaas oo lagu siinayo lahaanshaha dhulka Sheekh Jarrah halkaas oo laga dhisay guryaha ay ku nool yihiin qaxootiga Falastiiniyiinta.

Markii dabme ayey dhulkii ka iibiyeen kooxda dhulka degto ee Nahalat Shimon, taas oo xoojisay kiisaska xoog ku kicinta, waxa ayna doonaysaa kooxdu inay ballaariso joogitaanka Yuhuudda ee deegaannada Bariga Qudus ee ay ku badan yihiin Falastiiniyiinta.Palestinian activist Muna el-Kurd, 23, talks to reporters at home in the neighbourhood of Sheikh Jarrah in Israeli-annexed east Jerusalem after being released from an Israeli police station, 6 June 2021Muna el-Kurd, oo u ololaysa Falastiiniyiinta, oo caan ka dhex dadka Sheekh Jarrah, ayaa bishii Juun waxaa su’aalo waydiiyay booliska Israa’iil

Qaar ka mid ah Falastiiniyiinta ayaa waxaa la siiyay “xaq la dhowray oo ay halkaas ku deganaan karaan” oo ay ku jiraan heshiiskii 1982, arrintaas oo saamaynaysa 17 qoys oo ku nool Sheekh Jarrah.

Hasayeeshee arrintaas waxaa sharci laga dhigay sharciga Qarnigii 19-aad ee hantida ay soo gudbiyeen kooxaha Yuhuudda, arrintaas oo ka dhigaysay in qoysasku ay kiro bixiyaan oo ay siiyaan dadka cusub ee dhulka la wareegay misana ay ogolaansho waydiistaan markii ay rabaan inay guryaha ballaariyaan.

Qoysaska aya markii dabme diiday heshiiska.

Waxaa shaki laga qabay in Falastiiniyiintu ay ogaayeen waxa ay saxiixayaan waxa ay tahay.

“Waxa ay u muuqataa in marnaba aanay qoysasku ogolaansho bixin ama qareen ay kala tashadeen wadaxaajoodka degitaanka goobta, kaas oo aanan matalayn dhammaan qoysaska Falastiiniyiinta ee ku noolaa Sheekh Jarrah,” ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa yiri.

Horraantii 1990-meeyadii, qoysaska ayaa joojiyay kiradii ay bixinayeen markaas oo hay’adaha Yuruuddu ay bilaabeen dacwad ka dhan ah dadkaasi.

2020-kii, maxkamad ku taal magaalada Qudus ayaa waxa ay dacwadda u xukuntay Nahalat Shimon waxa ayna soo saartay in dhowr qoys goobta xoog loogaga raro, arrintaas oo tobannaan qof saamaynaysay.

Maxkamadda ugu saraysa Israa’iil ayaa isku dayday inay dhexdhexaadiyo labada dhinac – oo waxyaabaha ay soo bandhigtay waxaa ka mid aheyd in qoysasku ay kiro bixiyaan – hasayeeshee wadahadalladaasi waa ay guuldarraysteen.

Kooxaha dhulka dega ee Israa’iil ayaa waxa ay doonayaan in si buuxdo loogu aqoonsado lahaanshaha dhulkaasi – balse qoysaska ayaa diiddan inay arrintaasi aqbalaan.

Maxkamadda ugu sarraysa ayaa waxaa lagu wadaa inay go’aan ka gaarto inay ogolaato ama diiddo ogolaansho racfaan ay dalbadeen qareennada matalaya qoysaska Falastiiniyiinta ee ku sugan Sheekh Jarrah.

Waxa ay “guryahaasi ku noolaayeen ku dhawaad 70 sanadood”, Unrwa ayaa tiri.

“Waxa ay haatan halis ugu jiraan in markii labaad la barakiciyo.”Protest in support of Sheikh Jarrah families facing eviction

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shuruucdaasi ay hagayaan cidda leh xaqa inuu hanti ku yeesho Qudus “laga dhaxlay hab takoor ah, taas oo ku salaysan qaranka uu qofka u dhashay oo kaliya ama halka qofka iska leh uu ka soo jeedo”.

Hasayeeshee dowladda Israa’iil ayaa waxa ay sheegaysaa inay xaq u leedahay inay dhisto magaalada ay caasimaddeeda u aragto – in dadka qasab lagu saarana ay tahay arrin hanti gaar ah oo ay tahay inay xal ka gaaraan cidda dhulka leh iyo kuwa kirada ku degganba.

Tusaale badan ayaa jira oo muujinaya sheegashooyin isdiiddan.

Hoteelka Shepherd ee ku yaal Sheekh Jarrah, tusaale ahaan, ayaa sharciga Israa’iil waxaa lagu shaaciyay inuu yahay “hanti laga maqan yahay” iyadoo sabarloogadiina lagu wareejiyay shirkad ay Israa’iil leedahay kaddibna waxaa iibsaday milyaneer Ameerikaan ah kaas oo dhismihii burburiyay si ay halkaas u dhistaan dadka dhulka dhista.

Falastiiniyiintu waxa ay sheegayaan in dhismaha si sharci-darra ah lagula wareegay.Palestinians watch as the Hotel Shepherd is torn down, East Jerusalem (9 Jan 2011)Falastiiniyiinta ayaa waxa ay Israa’iil ku eedeeyeen inay isku dayayso inay “ka tirtirto” magaalada

Waxaa jira 3,000 oo qof oo dadka xoogga ku daga dhulka oo la dajiyay xaafadaha ay u badan yihiin Falastiiniyiinta ee Bariga Qudus – kuwaas oo intooda badan ku hareeraysan magaalada qadiimiga ah sida Sheekh Jarrah, sida ay sheegayso hay’adda Peace Now oo ah hay’ad Israa’iili ah oo aan dowli ahayn.

Tan iyo bilowgii 2020-ka maxkamadda maxalliga ah ayaa waxa ay amartay in Batan Al-Hawa iyo Sheekh Jarraha laga saaro 36 qoys, kuwaas oo haatan racfaan qaatay

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom