telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Oo Soo Kormeeray Halka Uu Maraayo Dhismaha Garoonka Kubada Cagta Ee Magaalada Balligubadle + Sawiro

Baligubadle(Gaaroodinews)Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cabdirashed Caydiid Yaasiin Ayaa Kormeer Shaqo Oo Uu Kutagay Gobolka Hawd Waxaa Uu Ugu Kuurgalay Sida Ay Usocoto Hawsha Dhismaha Garoonka Kubada Cagta Ee Magaalada Balligubadle Oo Ay Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Ay Kahirgalinayso Deegaankaasi

Agaasimaha Ayaa Waxaa Kormeerkiisaasi Ku Wehelinaayey Agaasimaha Waaxda Dhismaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Eng Axmed H. Col Ujoog Iyo Isuduwaha Ciyaaraha Ee Gobolka Hawd Mustafe Yuusuf Maxamed Iyo mulkiilaha Shirkada Qacanta Kuhaysa Dhismaha Garoonka Baligubadle

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cabdirashed Caydiid Yaasiin Oo Kawarbixiyay Ujeedka Kormeerkiisan Shaqo Ayaa Sheegay Inay Tahay Sidii Uu Ugu Kuurgali Lahaa Halka Uu Maraayo Dhismaha Garoonkaasi

Agaasimaha Oo Bartiisa Uu Bulshada Kula Xidhiidho Ee FB Kaga Warbixiyay Kormeerkiisaasi Ayaa yIdhi :-

“Waxaanu maanta kormeer u tagnay magaalo madaxda gobolka Hawd ee Baligubadle kaas oo ujeedadiisu ahayd inaanu u kuur galno halka uu marayo garoonka kubbadda cagta ee Baligibadle oo dhismihiisu socdo. Kormeerka ayaa waxa igu wehelinayay Agaasimaha Waaxda Dhismaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Eng Axmed H. Col ujoog, iyo isuduwaha ciyaaraha ee gobolka Hawd Mustafe Yuusuf Maxamed iyo mulkiilaha shirkada garoonka dhisaysa Mr. Muxiyadiin. Waxa nagu soo dhaweeyay Badhasaabka gobolka Hawd ” Agaasime Cabdirashiid

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom