telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Cidii Lagu Qabto Lacag Been Abuur Ah Waxaanka Qaadi Doonaa Talaabo Adag Oo Sharciya ” Gudoomiye Baqdaadi + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Md Cali Ibraahim Baqdaadi Ayaa Xarunta Dhexe Ee Baanka Dhexe Ee Somaliland Kaga Qaybgalay Kulan Si Qoto Dheer loogaga Wada Hadlaayay Socodsiinta Noodhka $50 Oo Hakad Galay Muddooyinkii Ugu Danbeeyay Iyo Siddii Siwada jir ah looga Hortagi Lahaa Lacagaha Foojariga ah

Guddoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cali Ibraahim Jaamac Waxaa uu bulshadda u sheegay in ay isticmaalaan Noodhka $50 doolar ah, waxa na uu Haayaddaha Maaliyaddeed ee dalka ugu bushaareeyay in Baanka Dhexe ee JSL uu dhibane ka noqon doono dhamaan dacwaddaha la xidhiidha lacagaha Foojariga ah.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Md Cali Ibraahim Baqdaadi Ayaa Sheegay Inay Talaabo Sharciga Waafaqsan Kaqaadi Doonaan Cidii Lagu Qabto Lacag Been Abuur Ah

” Cidii Lagu Qabto Lacag Been Abuur Ah Waxaanka Qaadi Doonaa Talaabo Adag Oo Sharciya ” Gudoomiye Baqdaadi

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom