telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Kalluumaysiga JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Heersare Ah Oo Ka Socday Haya’da Qaramada Midoobay Uqaabilsan Cuntada iyo Beeraha Ee FAO + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Kalluumaysiga JSL Mudane Saeed Sulub Maxamed ayaa maanta oo taariikhdu ay tahaya 14 august,2021, Xafiiskiisa ku qaabilay wafti heer sare ah oo ka socda Haya’da Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee magaceeda loo soo gaabiyo #FAO.

Kulankaas oo ahaa is xogagaal wareysi iyo wada tashi ayaa ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda.
Kulankaas oo uu gudoominyaya Wasiirka Wasaaradda X.Xoolaha iyo H.Kalluumaysiga waxaa ka soo qeyb galay Madaxaa guud ee FAO u qaabilsan arimaha Horumarinta xoolaha ee Bariga Afrika ee magaciisa la yidhaahdo Mr .Etienne ,Madaxa Horumarinta Xoolaha FAO u qaabilsan Somaliland iyo SomaliyaDr. Khalid Saeed , waxaana ka soo qayb galay shirkaas Saraakiil kale oo ka socda Wasaaradda iyo Haya’da FAO.

Shirkaas oo socday muddo saacada ayaa lagu naaqishay mashaariicda ay FAO ka hirgaliso Dalkda,kuwii dhamaaday , waxyaabihii qabsoomay Haya’da FAO ee khuseeya Mashaariicda Horumarinta Xoolaha iyo mudnaanaha laga wada shaqaynayo mustaqbalka.

Waxaana loo balamay kulan kale oo si waafiya looga wada hadlo arimaha horumarinta xoolaha.
Haya’da FAO Hay’ada oo gacan weyn ka gaysata horumarinta xoolaha sida talaalka xoolaha, daaweynta iyo calafka xoolaha iyo tayo dhisida shaqaalaha X.Xoolaha iyo Kalluumaysiga

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom