telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xildhibaan Abdinasir Yuusuf Cismaan (Qodax) Oo Habeenkii Xalay Ahaa Kulan Casho Sharaf Ah Kuqaabilay Gudiyada Horumarka iyo Ururrada Samafalka Ee Deegaanka Hargaysa Iyo Salaxley + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Xildhibaan Abdinasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo kamid ah xildhibaannada golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Habeenkii Xalay Ahaa Kulan Casho Ah Ugu Sameeyay Magaalada Hargeisa Gudiyada Horumarka iyo Ururrada Samafalka Ee Deegaanka Hargaysa Iyo Salaxley Sida Ururka Gaaroodi, Ururka Horumarinta Dhalinyarada Sallaxley Ee SAYDO Guddida Guud Ee Sahan Barwaaqo Iyo Guddida Dhismaha Wadada Cad

Ujeeddada  kulankaasi Uu Xildhibaanku Uqabtay Gudiyadaas Ayaa Ahaa Is. xog-waraysi Dhex maray xildhibaanka iyo masuuliyiintii kale, kaas oo la xidhiidhay horumarka Deegaanka. Waxaana loo ballamay kulamo kale, oo lagu sii xoojinayo wada shaqayn dhex marta Guddiyada iyo xildhibaanka, iyo in laga wada shaqeeyo horumarka, wixii caqabado ahna si wada jira loo dhamaystiro.

Xildhibaanku wuxu balanqaaday in uu wakhtigiisa galin-doono horumarka Deegaanadii laga soo doortay, dhabarkana u ridan-doono wixii hawlo kala soo gudboonaada.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom