telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiyaha Degmada Salaxley Oo Gaadhi Kala Wareegay Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland + Muuqaal

Salaxley(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Degmada Salaxley Md Ahmed Buraalle Iimaan Oo Ay Weheliyaan Qaarkamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Salaxley Iyo Taliyaha Ciidanka Policeka Degmada Salaxley Ayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Jeneraal Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) Uga Mahadnaqay Deeq Gaadhi Ah Oo Uu Taliyuhu Soo Gaadhsiiyay Degmada Salaxley

Saldhiga Degmada Salaxley Ee Gobolka Maroodijeex Ayaa Mudooyinkii Udanbeeyay Ahaa Gaadiid La’aan Kadib Markii Uu Fadhiistay Gaadhigii Hore Ee Saldhigu

Maamulka Degmada Salaxley Ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Jeneraal Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale Kacodsaday Inuu Saldhiga Degmada Gaadhi Ukeeno Taasoo Uu Taliyuhuna Uu Kasoo Jawaabay

Degmada Salaxley Ayaa Kamid Ah Degmooyinka Somaliland Ee Xuduudka Laleh Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Itoobiyaa Taasoo Ay Dalka Kasoo Galaan Mukhaadaraadka Kala Duwan Ee Dhibka Ku Ah Dhalinyarada Reer Somaliland

Gudoomiyaha Degmada Salaxley Md Ahmed Buraalle Iimaan Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Ee Degmada Salaxley Oo Hadalka Iska Dabamaray Ayaa Sheegay In Gaadhigani Uu Kacaawin Doono Ciidanka Booliska Ladagaalanka Mukhaadaraadka Iyo Sugida Nabadgalyada Guud Ee Degmada Salaxley

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom