telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Muwaadiniin Araga Naafo Ka Ah Ayaa Maanta Dalxiis Kutagay Deegaanada Galbeedka Somaliland Gaar Ahaan Gabiley Iyo Borama + Muuqaal/Sawiro

Gabiley(Gaaroodinews)Muwaadiniin Araga Naafo Ka Ah Ayaa Maanta Dalxiis Kutagay Deegaanada Galbeedka Somaliland Gaar Ahaan Gabiley Iyo Borama

Safarkan Oo Magaciisa Loo Bixiyay “Rajo Gelinta Dhalinyarada Aragga Ka Ah Naafada Ee Somaliland Iyo Doorka Qurbajoogga  isla Markaana Ah Kii Koowaad Ee Noociisa ah Ee La Qabto Dalka JSL Ayaa Waxaa ka Qaybgalay 20 Dhalinyaro Aragga Ka Naafo Ah iyo 14 Xubnood Caawiyayaal iyo Hawlwadeenno kale ah

Aqoonyahan Xasan Ahmed Yousuf Oo Kamid Ah Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Dibada SL Oo Uwaramay Shabakada Wararka Ee Gaaroodinews Ayaa Kaxogwaramay Ujeedada laga leeyahay Safarka Rajada Ee Dhalinyarada Aragga Ka Ah Naafada Ayaa Sheegay In Safarkan Ay Muwaadiniinta Araga Naafada Ka Ah Ayka Caawinaayeen Dalxiiskooda Muwaadiniin Qurbajoog Ah Waxaana Uu Intaa Kudaray In Ujeedada Kulankan Laga Lahaa Ay Tahay In La Dhiirrigeliyo Dhalinyarada Aragga Ka Ah  Naafada Iyo Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Niyadooda Iyo Isku Kalsoonaantooda

Safarkan Oo Ahaa Mid Xiisahiisa Wata Oo Muwaadiniinta Araga Naafada Ka Ah Ladalxiis Geeyay Ayaa Magaalooyinkii Aysii Mareen Tageena Siwayn Loogusoo Dhaweeyay

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom