telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska JSL Md Axmed Maxamed Diiriye “Toorno” Ayaa Socdaal Shaqo Ugu Kicitimay Magaalo Madaxda Dalka Kenya Ee Nayroobi + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Wefti ballaadhan oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Md. Axmed Maxamed Diiriye “Toorno” ayaa socdaal shaqo ugu kicitimay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nayroobi

Weftigan waxa ka mid ah Agaasimaha Guud ee WW&S Md. Axmed Abokor Maxamed, Agaasimaha Waaxda Maamulka Md. Maxamed Saleebaan Cumar iyo Lataliyaha Wasiirka Md. Siciid Maxamed Jaamac (Boodsane).

Ujeeddooyinka socdaalka weftiga ayaa ah xoojinta xidhiidhka Waxbarashada ee labada dal, wadatashiga hormagalinta qorshaha horumarinta Waxbarashada ee 2022-2026, tolaynta fulinta mashaariicda Waxbarashada, iyo abuurista Sanduuqa Horumarinta Waxbarashada (Somaliland Educational Development Fund).

Weftiga Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo ay xagga farsamada ka taageerayso Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya ayaa shaqadiisa ka bilaabay kulan soo-dhawayn ah oo ay la qaateen Safiir-Kuxigeenka Safaaradda JSL ee dalka Kenya, Amb. Sharmaarke Geelle iyo hawlwadeennada Safaaradda.

Weftigu waxa ay maanta kulammo la yeesheen Midawga Yurub (EU) oo ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqaynta labada dhinac, kordhinta maalgalinta Waxbarashada JSL, iyo diyaarinta mashaariicda horumarinta Waxbarashada oo ku salaysan Qorshaha Horumarinta Waxbarashada ee 2022-2026.

Sidoo kale weftiga Wasiirku waxa ay maanta kulan shaqo la qaateen Hayadda Adam Smith International oo ay kala saxeexdeen heshiis farsamo oo ay maalgalinayso Midowga Yurub oo lagu kobcinayo adeegga ay Wasaaraddu u fidiso bulshada iyo guud ahaan horumarinta Waxbarashada Somaliland.

Weftiga Wasiirka Waxbarashada JSL ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda kulammo la yeeshaan qaadhaan bixiyayaasha, laamaha Waxbarashada ee dalka Kiiniya iyo Jaaliyada Somaliland ee deggan dalka Kenya, haddii Eebbe idmo.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom