telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska Ah Ee Wasaarada Waxbarasha JSL Md Xuseen Cabdi Cawil (Foodcadde) Oo Tababar Usoo Xidhay Qaarkamida Macalimiinta Xarumaha Qalin Ababka Ee Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews)Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska Ah Ee Wasaarada Waxbarashada & Sayniska JSL  Md Xuseen Cabdi Cawil Foodcade Oo Uu Wehelinaayo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada JSL Md.Axmed Xasan Nuur Ayaa Maanta Tabobar Usoo Xidhay Qaarka Mid Ah Maamulayaasha Iyo Macalimiinta Xarumaha Qalin Ababka (kindergarten) Ee Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka

Tobobarkan Oo Socday Muddo Shan Cisho Ah Ayey Ujeedadiisu Ahayd Sidii Macalimiinta iyo Maamulayaasha Xarumaha Barbaarinta Loogu Carbin Lahaa Daryeelka, Barbaarinta Iyo Bed-qabka Ardeyda Yaryar Ee Xarumaha Barbaarinta dugsiyadaasi wax ku barata

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska Ah Ee Wasaarada Waxbarashada & Sayniska JSL  Md Xuseen Cabdi Cawil Foodcade Oo Kahadlay Munaasibada Macalimiinta Tababarka Loogusoo Xidhaayay Ayaa Ugu Horayn Kawarbixiyay Tababarkan Iyo Iskuulada Ay Kasocdaan Macalimiinta Tababarka Kasoo Qaybgashay Tiradooda Sidoo Kale Agaasime Foodcade Waxaa Uu Kudheeraaday Muhiimada Iyo Faaiidada Uu Tababarkan Uleeyahay Kasoo Qaybgalayaasha

Gabagabadiina Waxaa Munaasibadaasi Hadalo Guubaabo Iyo Dardaaran Ah Usoo Jeediyay Maamulayaasha Iyo Macalimiinta Kasoo Qaybgalay Tababarkan Wasiirku Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Iyo Sayniska JSL Md Ahmed Xasan Nuur

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom