telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Waddankee “lagu arkay” madaxweynihii Afghanistaan, Ashraf Ghani?

Waddankee “lagu arkay” madaxweynihii Afghanistaan, Ashraf Ghani?

.

Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan ​​ayaa dalka ka baxsaday Axaddii – balse ma cadda halka uu aaday iyo halka uu hadda joogo.

Wixii ka dambeeyay qabsashadii Taalibaan ee Kabul, waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo ahaa inuu u safray dal daris ah sida Uzbekistan ama Tajikistan iyo warar kale oo sheegayay inuu aaday Cumaan.

Maanta oo Arbaca ah ayaa waxa soo baxayayay warar aan weli la xaqiijin oo sheegayay in madaxweyne Ashraf Ghani lagu arkay Abu Dhabi.

Wasiiro ka tirsan dowladdiisa ayaa ka mid ahaa dadka ku dhaliilay madaxweynaha baxsadkii uu sameeyay.

Mr Ghani ayaa difaacay tallaabadaas, isagoo Facebook ku yiri: “Si looga fogaado dhiig daata, waxaan haboon oo fiicnaan lahayd inaan aniga dalka ka baxo”.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom