telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maamulka Degmada Maxamuud Haybe Oo Bulshada Kudhaqan Degmadaasi Ugu Baaqay Olole Nadaafad Oo Maalinta Beri Ah Laga Fulin Doono Degmadaasi + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Maamulka Degmada Maxamuud Haybe Ee Caasimada Hargeisa Oo Bulshada Kudhaqan Degmadaasi Ugu Baaqay Ololaha Nadaafada Ee Maalinta Beri Ah Oo Khamiis ah

Gudoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe Oo Uu Wehelinaayo Xoghayaha Degmadaasi Gudoomiye Kuxigeenka Degmadaasi Xildhibaan Cabdikareem Cabdi Garas Ex.Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Ayaa Dadwaynaha Kudhaqan Xaafadaasi Ugu Baaqay Inay Kasoo Qaybgalaan Olole Nadaafadeed Maalinta Beri Ah Laga Fulindoono Degmadooda

Sidoo kale Waxay Maamulka Degmada Maxamuud Haybe Ay Sheegeen In Maalinta Beri Ah Lasamayn Doono Olole Wado Banayn Ah

Gudoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe Ee Caasimada Hargeisa Md Maxamed Cabdilaahi Abiibakar Oo Munaasibad Ayku Shaacinayaan Degmo Ahaan Ololahaa Ay Beri Fulinayaan Ayaa Bulshada Ujeediyay Hadalo Dardaaran Iyo Guubaabo ah Waxaana Uu Yidhi :-

” Berito Tartanbaa Lagu Jiraa Sidii Aan Hore Uyeeli jirnay Ee Aan Lanbarka Koobaad Aan Ugeli Lahayn Una Geli Jirteen Sidii Oo Kale Hawlgal Kaculus Usamayno Inagoo Bartilmaameedyo Muhiima Oo Waawayn Xashiishka Iyo Wada Banayn Kagali Doona ” Gudoomiye

Xoghayaha Degmada Maxamuud Haybe Ee Caasimada Hargeisa Md Cabdiqani Xaaji Ahmed Oo Isna Halkaasi Kahadlay Ayaa Bulshada Kudhaqan Degmada Maxamuud Haybe Ugu Baaqay Inaykasoo Qaybgalaan Ololaha Nadaafada Ee Maalinta Beri Ah Laga Fulinaayo Degmadooda Iyo Guud Ahaan Caasimada Hargeisa Waxaana Uuyidhi :-

” Waxaanu Halkan Kusoo Gudbinaynaa In Maalinta Beri Ah Loo Diyaargaroobo Sidii Caadada Inoo Ahayd Oo Ah Maalin Khamiisa Ololihii Nadiifinta Ee Caasimada Oodhan Gaar Ahaan Maxamuud Haybe Waxaan Halkan uga faaiidaysanayaa In Beritoola Laga Hawlgali Doono Uguna Muhiimsan Xaafada Sheekh Shugri Oo Banayn Wado Iyo Mid Qashin Aanka Samayn Doono Iyo Saylada Xoolaha Waxaanu Dadwaynaha Aanu Usoo Jeedinaynaa Inay Sidii Horeba Ay Noogala Qaybqaadan Jireen Aynoogala Qaybqaataan ” Xoghaye Cabdiqani

Waxaa Isaguna Halkaasi Kahadlay Xildhibaan Cabdikareem Cabdi Garas Oo Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Kaasoo Isna Bulshada Reer Maxamuud Haybe Ugu Baaqay Inayka Qaybqaataan Ololaha Nadaafada Iyo Wadabanaynta Ee Laga Fulinaayo Degmadooda

Ex.Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Isna Kamid Ah Masuuliyiinta Iyo Siyaasiyiinta Degan Degmada  Maxamuud Haybe Oo Isna Maamulka Degmada Kala Shaqaynaayay Wacyigalinta Ololaha Laga Fulinaayo Degmadooda Iyo Guud Ahaan Caasimada Hargeisa Ayaa Isna Dhankiisa Bulshada Kudhiiri Galiyay Kaqaybgalka Ololaha Nadaafada Iyo Wado Banaynta laga Fulinaayo Degmada Maxamuud Haybe

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom