telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xildhibaan Qodax Oo Arin Layaableh Caawa Kala Kulmay Maayarka Caasimada Hargeisa + Sababta

Hargeisa(Gaaroodinews) Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax Oo Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Booqasho Uu Kutagay Caawa Xarunta Dawlada Hoose Ee Caasimada Hargeisa Waxaa Uu Kula Kulmay Maayarka Caasimada Hargeisa Md Cabdikareem Ahmed Mooge Oo Shaqada Kujira Sidii Uu Saaka Usoo Galay

Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax Oo Maayarka Xafiiskiisa Ugu Galay Ayaa Layaabay Maayarka Caasimada Hargeisa Oo Saaka Subaxii Shaqada Umadda Uu Uhayo Bilaabay Oo Isla Xiligaas Oo Habeenimo Ah Kujira

Xildhibaan Qodax Ayay Arintaasi Dareenkiisa Muwaadinimo Soo Jiidatay Isla Markaana Kufarxay Isaga Oo Layaabay Daacadnimada Iyo Dadaalka Maayar Mooge Ee Saacadaha Badan Ee Shaqo Ee Uu Dadkiisa Ushaqaynaayo Una Huraayo

Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax Waxaa Uu Maayarka Caasimada Hargeisa Md Cabdikareem Ahmed Mooge  Kubogaadiyay Hawlaha Shaqo Ee Uu Shacabka Reer Hargeisa Iyo Qarankiisaba Uhayo Iyo Dadaalka Uu Ugu Jiro Sidii Ay Caasimada Hargeisa Ay Ula Jaanqaadi Lahayd Caasimadaha Kale Ee Aduunka Isla Markaana Uu Shacabkiisa Ugu Huray Saacadihiisii Shaqada Uu Fasaxa Ka Ahaa

Xildh Qodax Wuxuu Ilaahay Uga Baryay Maayarka Caasimada Hargeisa Inuu Ufudaydiyo Xilkaa Qaran Ee Uu Umadda Uhayo Dadaalkiisana Kugarab Galo

Dhanka kale Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax Waxaa Uu Shacabka Reer Hargeisa Ugu Bushaareeyay Inay Hargeisi Maanta Heshay Maayarkeedi

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom