telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Siyaasi Khadar Cabdiqaadir Kaarshe (Madaxweyne Kaarshe) Oo Fariin Udiray Madaxweynaha Somaliland + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Siyaasi Khadar Cabdiqaadir Kaarshe Oo Kumagac Dheer (Madaxweyne Kaarshe) Oo Kamid Ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland Oo Shir Jaraaid Kuqabtay Maanta Magaalada Hargeisa Ayaa Waxaa Uu Fariin Udiray Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi Kaasoo Usoo Jeediyay In Uu Waxka Badalo Golihiisa Wasiirada Ama Xukuumada

Siyaasi Khadar Cabdiqaadir Kaarshe (Madaxweyne Kaarshe) Waxaa Uu Madaxweynaha Somaliland Uu Ku Amaanay Qabashada Doorashooyinkii Dalka Kadhacay Isaga Oo Waliba Siwayn Ugu Amaanay Madaxweynaha Qaranka Faragalin La’aantii Aanu Kusamayn Doorashadii Dalka Kadhacday Ee Xisbigiisa Lagaga Guulaystay

Siyaasi Madaxweyne Kaarshe Waxaa Uu Madaxweynaha Usoo Jeediyay Inuu Waxka Badal Kusameeyo Golihiisa Wasiirada Gaar Ahaan Isaga Oo Carabka Kudhuftay Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarka Jidadka Somaliland Md Cabdilaahi Abokor Oo Uu Ku Eedeeuay Inaanuu Waxqabadkii Dawlada Aanu Salbalaadhin Ee Uu Ku Eekeeyay Uun Deegaano Gaar Ah

” Mudane Madaxweyne Cidii Baalashaada Ahayd Ee Kula Duulin Lahayd Xukuumadan Aad Gadhwadeenka Katahay Way Taag Gaabanyihiin Oo Ay Ugu Horeeyaan Golahaaga Wasiiradu Oo Uu Kaw Kayahay Wasiirka Gaadiidka Cabdilaahi Abokor ” Siyaasi Madaxweyne Kaarshe

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom