telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiye Eng Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Ingiriiska Ay Qurbajoog Ardaa Ka Mida Beelaha Somaliland Casha Sharafeed Ugu Sameeyeen + Sawiro

London(Gaaroodinews) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Ingiriiska ay Qurbajooga Ardaa Ka Mida Beelaha Somaliland Casha Sharafeed Ugu Sameeyeen

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo Hawlo Shaqo Qaaradda Yurub isaga iyo Wefti uu hogaaminaayo ku joogaan kuna Sugan Haatan Waddanka Ingiriiska’ ayaa waxa Kulan Casho Sharafeed ah halka ugu sameeyey Xubno Aqoonyahanka ‘ Odayaasha iyo Haldoorka Beesha Abakor Muuse (Ciidagale) iyada kulankaasi Guddoomiyaha iyo Xubnahaasi Jaaliyadda reer Somaliland ee Ardaaga Abakor Muuse ee Ingiriiska ku dhaqani Kulankan Cashada ahaa ee Guddoomiye Faysal ay ku maamuuseen uu daaranaa isku-Xogwaran iyo kala Xog-qaadashada wadciga Siyaasiga iyo Arimaha Wakhtigan Jamhuuriyadda Somaliland ka jira oo si wacan layskaga xog waraystay.

Kulankani Casho Sharafeedka ahaa ee Xalay Magaaladda London ee Cariga Ingiriiska ay Qurbajooga Ardaagani Beelaha Somaliland ka mid ahi u sameeyeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ‘ayaa waxa hormuud u ahaa Xubnahaasi Casuumadda sameeyey oo Hor Kacayey
Maxamed Xasan Jafal, Ismaaciil Axmed Xaawa, Axmed Xaashi Guuleed, Xuseen Baane Iyo Xubno kale.

Waxaana ugu Dambeyn Kulankaasi Casho sharafka ahaa ee Aqoonyahanka’ Odayaasha iyo Haldoorka Xubnaha beesha Abokor Muuse ( Ciidagale) ka soo jeeda ee Qurbajoogta Waddanka Ingiriiska ku dhaqan’ waxay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe kulankani gaarka ahaa ay la qaateen uu ku soo Idlaaday is-afgarad iyo guul labada dhinac isla qaateen guud ahaan arimihii laga wada hadlay

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom