telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Deg+Deg:- Qodobo Kasoo Baxay Kulan Ay Isugu Yimaadeen Siyaasiyiinta Xildhibaanada Waxgaradka Hogaanka Dhaqanka Iyo Ganacsatada Koonfurta Gobolka Maroodi-jeex + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Kulan Ay isugu Yimaadeen Siyaasiyiinta Xildhibaanada Waxgaradka Hogaanka Dhaqanka Ganacsatada Iyo Aqoon yahanka Koonfurta Gobolka Maroodi-jeex Ayaa Maanta Lagu Qabtay Magaalada Hargaysa.

Kulan Oo Ka Qabsoomay Hotel Ambassador Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Waxaa ka soo qayb galay Xubno isugu jira waxgaradka,hogaanka dhaqanka,Ganacsato iyo Aqoon yahanka Koonfurta gobolka Maroodi.

Kulankaas oo lagu lafoguraayay iskaashiga iyo wax wada qabsiga bulshada gobolka Maroodi Jeex ayaa Markii Uu Dhamaaday Waxaa Lagasoo Saaray Go’aamadda Soo Socda :-

1. In la qabto shirweynaha horumarinta iyo iskaashiga gobolka Maroodi Jeex oo ay ka soo qayb galaan hogaanka dhaqanka iyo siyaasada, ganacsatada iyo waxgaradka 16-ka degmo ee gobolka Maroodi Jeex (8 degmo oo magaaladda Hargeysa ah iyo 8-da degmo ee ku hareeraysan).

2. In lala shaqeeyo oo la taageero dawlada Somaliland ee Maanta jirta oo ah dawladdii ugu waxtarka badnayd deegaanka koonfurta Maroodi Jeex iyo guud ahaan Somaliland.
Iyadoo horeba dadweynaha gobolka Maroodi Jeex ay taageerada xisbiga Kulmiye u hayaan ay horeba uga Muuqatay Doorashaddii isku sidkanayd Oo uu xisbiga Kulmiye kaalinta 1aad ka galay dhamaanba 4 degmo doorasho ee gobolka Maroodi Jeex.

3. Mucaaradnimo inay noqoto mid toosin iyo tilmaan ah,isla markaana xeerinaysa danta guud ee Qaranka, oo ay kow ka yihiin Adkaynta Nabadgelyada, Horumarinta iyo wadajirka ummadda walaalaha ah ee Reer Somaliland

 

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom