telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Waxaanu Nahay Mudanayaal Lasoo Doortay Oo Cod Shacab Kujooga Markaa Nama Daba gali Karo Badhasaab Lamagacaabay” Xildh Siciid Cudhay + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Xildhibaan Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Ayaa Siwayn Ugasoo Horjeedsaday Hadal Dhawaan Kasoo Yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegaaya In Badhasaabada Gobolada Dalku Ay Dabagal Iyo Maamul Kusameeyaan Golayaasha Deegaanada Ee Dalka

” Waxaanu nahay mudanayaal Lasoo doortay oo Cod shacab ku jooga markaa nama daba gali karo Badhasaab lamagacaabay” Xildh Siciid Cudhay

Dhanka kale Xildhibaan Siciid Cabdisamed Ahmed Siciid Cudhay Waxaa Uu Baaq Udiray Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Kaasoo Ugu Baaqay Inay Waxka Badal Kusameeyaan Xeerkaasi Waxaanu Yidhi :-

” Waxaan Cod dheer kaga codsanayaa in golaha wakiildadu wax ka badel iyo kaabis ku sameeyaan xeerka is maamulka gobolada iyo degmooyinka ee la candadowlay ” Xildh Siciid Cudhay

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom