telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maareeyaha Haayada Duulista Iyo Madaarada Somaliland Oo Xadhiga Kajaray Mashaariic Horumarineed Oo Uu Kusoo Kordhiyay Madaarka Caasimada Hargeisa + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Maareeyaha Haayada Duulista Iyo Madaarada Somaliland Md Sayid Cumar Cabdilaahi Aadan Ayaa Xadhiga Kajaray Mashaariic Balaadhan Oo Uu Kusoo Kordhiyay Madaarka Caalamiga Ah Ee Igal International Airport Intii Uu Hayay Xilka Maareeyaha Haayada Duulista Iyo Madaarada Somaliland

Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Qabtay Gudaha Madaarka Caasimada Hargeisa Isla Markaana Xadhiga Lagaga Jaraayay Mashaariicda Horumarineed Ee Laga Hirgaliyay Madaarka Cigaal Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay  Maareeyaha Hayada Duulista iyo Madaarada JSL Mudane Cumar Sayid Cabdilaahi Aaden Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi jeex Mudane Khadar Baaruud Agaasimayaal Ka Tirsan Gudida Qandaraasyada Qaranka iyo Hayada Duulista Iyo Madaarada JSL

Madaxdaa Kala Duwan Ee Kasoo Qaybgalay Munaasibada Xadhig Kajarista Ayaa Halkaas Kasoo Jeediyay Hadalo Ay Ku Bogaadiyeen Horumarka Kahano Qaaday Hayada Duulista Iyo Madaarada Somaliland  Intii Uu Xilka Hayay Maareeye Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan

Madaarka Caalamiga Ah Ee Cigaal International Airport Ayaa Mudooyinkii Udanbeeyay Waxaa Kahirgalaayay Mashaariic Horumarineed Taasoo Uu Kusoo Kordhiyay Markii Xilka Maareeyaha Madaarada Somaliland Loo Magacaabay Maareye Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan Hadaba Qaybaha Cusub Ee Lagusoo Kordhiyay Madaarka Caalamiga Ah Ee Igal International Airport Ayaa Waxaa Kamid Ah Qayb Loogu Talogalay Warbaahinta Iyo Masuuliyiinta Kasoo Dagaysa Madaarka Iyo Dibu Habayn Lagu Sameeyay Qaybta CCTv Kamerada Ee Loogu Talo Galay Amniga Madaarka

Maareeyaha Haayada Duulista Iyo Madaarada Somaliland Md Sayid Cumar Cabdilaahi Aadan Oo Kahadlay Munaasibada Uu Xadhiga Kaga Jaraayay Mashaariicdaas Horumarineed Ee Madaarka Igal International Airport Ayka Hirgaliyeen Haayad Duulis Ahaan Ayaa Ku Dheeraaday Isla Markaana Kawarbixiyay Mashaariicdani  Ahmiyada Ay ULeeyihiin Madaarka Caasimada Hargeisa

” Maanta Waxaa Aynu Halkan Kudaahfurnay Saddex Mashruuc Oo Aynu  Kahirgalinay Madaarka Caasimada Hargeisa Oo Laga Sheekeeyay Faaiidada Ay Uleedahay Adeega Aynu Umadda Uqabano Iyo Waxaykusoo Kordhinayaanba Mashruuca Koobaade Kamaradaha Sidii Lasheegay 2012 Ayaa Laga Hirgaliyay Madaarka Mudo Sagaal Sanadood Kahor Bay Ahayd Kamaradaha Waqtigaa Casriga Ahaa Maanta Waa Qaar Duugoobay Tiradooduna Waykoobnaayeen Mashruucaa Maanta Aanu Hirgalinay Waxaanu Isleenahay Tobanka Sano Ee Soo Socda Ayuu Dabari Doonaa ” Maareeye Cumar Cabdilaahi Aadan

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom