telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Somaliland Cid Guno Iyo Xil Kujoogtaa Cidkale Mashaanbadayn Karto ” Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Md Khadar Xuseen Cabdi Oo Warbaahinta Lahadlay Maanta Ayaa Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilaahi Ciro Kadifaacay Eedaymo Uga Yimi Qaarkamida Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland

Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi Waxaa Uu Sidoo Kale Xukuumada Somaliland Ku Eedeeyay In Masuuliyiin Aan Xilal Rasmiya Lahayn Ay Umagacawdo Xilal Ah Inay Wada Hayaan Xilal Oo Auku magacaaban yihiin Somalia Iyo Somaliland

Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi Waxaa Uu Sheegay In Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilaahi Ciro Inuu Matalo Boqolkiiba Afartan Shacabka Reer Somaliland Isla Markaana Uu Yahay Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Doonaaya Dalka JSL Inuu Madaxweyne Kanoqdo Sidaa Daraadeed Aanay Mudnayn Shakhsiyaad Guno Kujooga Somaliland Waa Siduu Hadalka Udhigaye Isla Markaana Xilku Jooga Dalka Oo Markay Gunadaasi Joogsato Odhanaayabuu Yidhi Kumaan Qanacsanayn Somaliland Inay Waxka Sheegaan Oo Ay Yidhaahdaan Waa Soomaaliwayn Gudoomiye Ciro Waxaa Uu Sheegay Inay Caayayaan Qaranka Somaliland

Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi Isaga Oo Arimahaasi Kahadlaaya Waxaa Uu Yidhi :-

“Cabdiraxmaan waxa uu metela 41% shacbiga reer Somaliland, waa nin muwaadin ah reer Somaliland ah oo doonaya in uu dalkan Madaxweyne ka noqdo Insha Allahna sanadka dambe waddanka madaxweyne ka noqon doona. Waa nin 12 sano Wakiillada soo hoggaaminayay, markaa wasiir la ogyahay Ama cid kaleba oo la ogyahay in ay gunno iyo xil Somalilandnimadoodu ku fadhido oo maalinta ay xilkaas iyo gunnadaasi godo odhanaya markii horeba kumaanu qanacsanayn in ay Cabdiraxmaan yidhaahdaan waa Soomaaliweyn waxaan is leeyahay Qarankana way caayayaan iyaguna dalow ayay iska tuurayaan,”
Xoghaye Khadar Hussein Abdi

 

 

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom