telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Haduu Taa Iyo Tii Hore Ee Doorashadii Isku Sidkanayd Uu Inoo Qabtay Madaxweynuhu Tana Uu Kudaro Taariikhda Baal Dahaba Ayuu Kagalayaa Somaliland ” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Saaka Kusoo Laabtay Dalka  Kadib Safar uu Ugu Maqnaa Dalka Dibadiisa

Masuuliyiin Katirsan Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Iyo Xildhibaano Katirsan Golaha Wakiilada Somaliland Ayaa Gudoomiyaha Kusoo Dhaweeyay Madaarka Caalamiga Ah Ee Hargeisa

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Warbaahinta Kula Hadlay Guriga Uuka Daganyahay Magaalada Hargeisa Ayaa Ugu Horayn Hambalyeeyay Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Uu Sheegay Inuu Ka Markhaati Kacay Hagardaamooyinka Uu Madaxweynaha Somalia Uuku Hayo Shacabka Iyo Dawlada Reer Somaliland Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxaa Kale Oo Uu Carabka Kudhuftay Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Kusugan Magaalada Muqdisho In Aanay Matalin Isla Markaana Aanay Xukumin Shacabka Reer Somaliland Waxaanuu Xildhibaanada Shacabka Reer Somaliland Usoo Jeediyay Inaysoo Saaraan Xeerkii Ciqaabi Lahaa Kuwaasi Waxaanuu Yidhi :-

” Aad Iyo Aad Waxaan Uhambalyaynayaa Wasiirka Amniga Ee Cusbaa Cabdilaahi Nuur Ee Xamar Oo Sheegay Juhdiga Uu Galiyay Farmaajo Iyo Kooxdiisu In Somaliland Waxla Yeelo Lkn Waxaa Kaxun Kuwa Inaga Inagsoo Jeedoo Lashaqaynaayay Xeer Inla Soo Saaro Ayaan Doonaynaa Waa Kuwan imika Ila Fadhiyaan Xildhibaanadii Xeer Dadka Halkaa Tagay Ee Magaceena Kushaqaysanaaya Ee Xumaanteena Hortooda Lagu Samaynaayo Xeerkii Ciqaabi Lahaa Halasoo Saaro ” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Dhanka kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxaa Uu Kahadlay Wararkasoo Gaadhaya Dhanka Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi Wararkaasoo Sheegaya Marka Mudo Xileedka Madaxweynuhu Uu Dhamaado Inaanuu Samaysan Doonin Mudo Kordhin Isla Markaana Uu Doorashada Uu Kuqabanaayo Waqtigeedi Loogu Talogalay Waxaanuu Yidhi :-

” Waxaa Aan Aad Iyo Aad Ugu Faraxsanahy Warar Igasoo Gaadhaya Madaxweynaha Oo Ah In Madaxweynuhu Diyaar Uyahay Doorashadii Madaxweynaha Waqtigeedii Uu Qabto Haduu Taa Iyo Tii Hore Ee Doorashadii Isku Sidkanayd Uu Inoo Qabtay Madaxweynuhu Tana Uu Kudaro Taariikhda Baal Dahaba Ayuu Kagalayaa Somaliland ” Gud Faysal Cali Waraabe

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Shacabka Reer Somaliland Lahadlaaya Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Xiligan Lajoogo Ay Tahay Xiligaa Uu Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Uu Qabanlahaa Majaraha Hogaaminta Dalka Waxaanuu Yidhi :-

“Hore waxa loo odhan jiray, Colka wadhaf ma lagu dayay, Maantana, Waxaanu Leenahay Dalka UCID Ma Lagu Dayay…,” Gudoomiye Xisbiga UCID Eng Faysal Cali

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ayaa  Waxaa Uu Sidoo kale Tacsi Udiray, Ehelladii iyo Qaraabadii Iyo Qaranka Somaliland Ee Uu ka Baxay Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Oo Maalintii Shalay Ahayd Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Hargeisa

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom