telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maamulka Degmada Salaxley Oo Gaadiid Kuwareejiyay Gudida Qacanta Kuhaysa Dhismaha Wadada Cad Ee Salaxley + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Maayarka Degmada Salaxley Md Ahmed Buraalle Iimaan Oo Uu Wehelinaayo Maayarku Xigeenka Degmadaasi Md Mohamed Cabdi Haarriye  Ayaa Gaadiid Kuwareejiyay Gudida Gacanta Kuhaysa Dhismaha Wadada Cad Ee Salaxley

Gaadiidkan Ay Maamulka Degmada Salaxley Ayku Wareejiyeen Gudida Wadada Cad Ee Salaxley Ayaa Ah gaadiid Loogu Talogalay Inlagu Dardargaliyo Dhismaha Wadada Isla Markaana Maamulka Degmadu Aykaga Qaybqaataan Dhamaystirka Wadadaas

Maayarka Degmada Salaxley Md Ahmed Buraalle Iimaan Oo Munaasibada Ay Gaadiidka Kuwareejinaayen Kahadlay Ayaa Sheegay Dhismaha Iyo Dhamaystirka Wadada Cad Ee Isku Xidha Hargeisa Salaxley Iyo Ina Guuxaa Inay Door Muhiima Kaqaadan Doonto Horumarka Deegaanka

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom