telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Shirkada Adeega Laydhka Ee Sompower Oo Shaacisay Qiimo Dhimis Balaadhan Oo Ay Usameeyeen Macaamishooda + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Shirkada Bixisa Adeega Ugu Balaadhan Ee Laydhka Ee Sompower Ayaa Bulshada Isticmaasha Adeegooda Laydhka Iyo Shacabka Reer Hargeisa Ugu Bushaaraysay Inay U Samaysay Qiimo Dhimis Balaadhan

Munaasibad Balaadhan Oo Shirka Sompower Ayku Shaacinaysay Qiimo Dhimista Balaadhan Ee Ay Usamaysay Macaamiisheeda Laydhka Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeisa Ayaa Waxaa kasoo Qaybgalay Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Gudoomiyaha Komishanka Tamarta Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Qaarkamida Ganacsatada Dalka Iyo Masuuliyiinta Ugu Saraysa Shirkada Sompower

Ugu Horayn Masuuliyiinta Shirkada Bixisa Adeega Laydhka Ugu Balaadhan Ee Sompower Oo Munaasibadaasi Kahadlay Ayaa Kawarbixiyay Qiimo Dhimistan Balaadhan Ee Ay Usameeyeen Macaamiishooda

Ugu Horayn Maamulaha Guud Ee Shirkada Sompower Md Cabdilaahi Beershiya Oo Halkaasi Kahadlay Ayaa Sheegay In Ay Hoos Udhigeen Isla Markaana Ay Jabiyeen Qiimihii Ay Bulshada Laydhka Kaga Iibin jireen Waxaanuu Yidhi :-

” Waxaynu Halkan Ufadhinaa Inaynu Kudhawaaqno Oo Aynu Macaamiisha Kala Duwan Iyo Dadwaynaha Kudhaqan Magaalada Hargeisa Aanu Ugu Bushaarayno Inaynu Hoos Udhignay Oo Ay Shirkada Sompower Ay Jabisay Qiimihii Ay Dadka Laydhka Kaga Iibin Jirtay In Udhiganta Boqolkiiba 20% ” Maareeye Cabdilaahi Beershiya

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom