telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

“Hadday Hargaysi Jabisay Mid Kamid Ah Darbiyadii Qabyaaladda, Oo Ay Dooratay C.kariin Iyo Barkhad, Burco-na Way Ku Xigi-doonta Oo Waxay 2022-ka Dooran-doonta Gudoomiye Faysal Cali Waraabe” Dhalinyarada Reer Burco + Muuqaal

Burco(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Wafti uu Hogaaminayo Ayaa Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer Kutagay Safar Shaqo UJeeddada Socdaalka Gudoomiyaha Ayaa La xidhiidha Ka qeyb-Galka Xafladda qalin-Jabinta Ardayda Jaamacadda Alpha faraceeda Burco

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe  Ayaa Intii Aanu Soo Gaadhin Magaalada Burco Waxaa Duleedka Magaalada Burco Kaga Hor Tagay Soona Dhaweeyay, Qaar kamid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka  Gobolka Togdheer.

Sidoo kale, Gudoomiyuhu Wuxuu inta uu joogo Uu Kulamo Xidhiidh ah la Yeelan-Doona Maalmaha Soo Socda Qaybaha Bulshada, Hogaannada Dhaqanka, Dhalinyarada Iyo Mudan kaleba.

“Hadday Hargaysi Jabisay Mid Kamid Ah Darbiyadii Qabyaaladda, Oo Ay Dooratay C.kariin Iyo Barkhad, Burco-na Way Ku Xigi-doonta Oo Waxay 2022-ka Dooran-doonta Gudoomiye Faysal Cali Waraabe” Dhalinyarada Reer Burco

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom