telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maamulka Degmada Maxamed Mooge Ee Caasimada Hargeisa Oo Hawlgal Dayactir Ah Kabilaabay Garoonka Kubada Cagta Ee Degmadaasi + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Maamulka Degmada Maxamed Mooge Ee Caasimada Hargeisa Oo Dayactir Kusameeyay Garoonka Kubada Cagta Ee Degmadaasi

Dhawaan Ayay Ahayd Markii Dhalinyarada Degmada Maxamed Mooge Ay Cabasho Kamuujiyeen Xaalada Garoonka Degmada Maxamed Mooge Kaasoo Uuka Muuqdo Dayac Fara Badani

Hadaba Maamulka Cusub Ee Degmada Maxamed Mooge Ee Uu Dhawaan Soo Magacaabay Duqa Caasimada Hargeisa Md Maayar Cabdikareem Ahmed Mooge Oo Kakooban Masuuliyiin Dhalinyaro Ah Gaar Ahaan Gudoomiyaha Degmadaasi Maxamuud Cabdi Xasan Gofiindhe Iyo Xoghayaha Degmadaasi Maxamed Mustafe Bidhaan Ayaa Waxay Maanta Olole Dib Uhagaajin Iyo Dayactir Ah Waxayka Bilaabeen Garoonkaasi Iyaga Oo Sidhaqso Ah Ugasoo Jawaabay Cabashadii Dhalinyarada Degmada Maxamed Mooge

Gudoomiyaha Degmada Maxamed Mooge Ee Caasimada Hargeisa Md Maxamuud Cabdi Xasan (Goofiindhe) Oo Isaga Oo Kuguda Jira Hawlgalka Ayka Fulinayaan Garoonka Kubada Cagta Ee Degmadaasi Ayaa Sheegay Inay Dhalinyarada Iyo Dadwaynaha Kuciyaaraha Garoonkani Ay Dhibwaynku Qabeen Jeex Jeex Iyo Dhagaxaan Kasoo Baxay Garoonka Waxaanuu Ugu Bushaareeyay Dhalinyarada Degmadaasi In Loo Hagaajinaayo Garoonkoodii Waxaanuu Yidhi :-

” Waxaynu Joognaa Garoonkii Kubada Cagta Ee Degmada Maxamed Mooge Oo Aynu Maanta Kshaqaynayno Garoonkan Oo Runtii Mudo Badanlaga Shaqaynin Oo Jeexjeex Iyo Dhagaxaan Yeeshay Oo Dhalinyarada Iyo Dadwaynaha Kuciyaarayaa Ay Dhibaato Kuqabeen Ciyaarihina Sihabsami Ah Ugasoconin Markii Degmada lanoosoo Bedelay Maamulkayagii Cusbaa Waxaanu Goaansanay Anagoo Umahadnaqayna Maayarka Caasimada Maayarku Xigeenka Xoghayaha Iyo Golaha Deegaankaba In Garoonkani Ubaahanyahay Inwaxlaga Qabto Cagaf Lakeeno Dhalinyarta La Iskugu Simo Si Ay Sifiican Ugu Ciyaaraan Markaa Maanta Shaqadiibaan Wadnaa Garoonkiibaan Kashaqaynaynaa Dhalinyarada Waxaan Ugu Bushaaraynaynaa In Garoonkii Loo Hagaajinaayo ” Gudoomiye Maxamuud Goofiindhe

Xoghayaha Degmada Maxamed Mooge Ee Caasimada Hargeisa Md Maxamed Mustafe Bidhaan Oo Isna Halkaasi Kahadlay Ayaa Sheegay Inay Kajawaabeen Cabashadii Dhalinyarada Degmada Maxamed Mooge Isla Markaana Ay Waxwayn Kaqabanayaan Dayaca Kamuuqda Garoonkaasi Iyaga Oo Fulinaaya Siyaasadii Loogusoo Magacaabay Degmadan Oo Ah Inay Adeegyada Bulshada Gaadhsiiyaan Adeegyada Ay Fuliso Dawlada Hoose Ee Caasimadu Waxaanuu Yidhi :- “Waxaa Aanu Imika Kusuganahay Garoonka Maxamed Mooge Ee Kubada Cagta Hawl Wanaagsanbaan Maanta Kawadnaa Garoonkan Oo Ah Inaan Dhalinyaradii Uhagaajino Oo Aanu Iskugu Sino Oo Baahidii Garoonku Lahaa Ee Uu Mudada Badanlasoo Daalaadhacaayay Dhalinyaraduna Kasoo Cawdeen Maamuladii Naga Horeeyayna Ay Uga Cawdeen Anagana Aynoo Keeneen Cabashada Inaanu Degdeg Uga Jawaabno Siyaasada Aanu Fulinaynaana Waa Siyaasadii Maayarka Caasimada Hargeisa Uu Nagusoo Magacaabay In Dadka Adeegyada Bulsho Loo Qabto Oo Degmooyinku Ay Hoos Udaadajiyaan Nidaamka Dawlada Hoose Ee Aanay Dawlada Hoose Noqonin Meel Lagaga Sheekeeyo Dhul Iyo Waxku Tacaluqa Ee Aanu Bulshadii Iyo Deegaanadii Lagasoo Doortay Xildhibaanada Dawlada Hoose Metelaayay Lagaadhsiiyo Adeegyadii Dawlada Hoose ” Xoghaye Mohamed Bidhaan 

Dhanka kale Dhalinyarada Iyo Dadwaynaha Kudhaqan Degmada Maxamed Mooge Caasimada Hargeisa Ayaa Maamulka Cusub Ee Degmada Maxamed Mooge Uga Mahadnaqay Hawlgalka Dayactirka Ah Ee Ayka Bilaabeen Garoonka Kubada Cagta Ee Degmada Maxamed Mooge Oo Ayku Qabeen Dhib Aad Uwayn Sidoo kale Waxay Ku Amaaneen Maamulka Degmada Maxamed Mooge Iyo Ka Dawlada Hooseba Sida Dhaqsaha Ah Ee Ay Ugasoo Jawaabeen Cabashadooda

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom