telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Aniga Oo kawakiila Gudoomiyahayga Faysal Cali Waraabena Kawakiila Maanta Halkan Hortiina Waxaanka Qaadanaynaa Anaguna Saddex Arday ” Xildh Mohamed Khadar Daahir + Muuqaal

Balli-Mataan(Gaaroodinews) Xildhibaan Mohamed Khadar Daahir Oo Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Kaqaybgalay Munaasibad Balaadhan Oo Loo Qabtay Ardayda Dugsiyada Ballimataan Ee Dhexe Iyo Sare Ee Sannadkan Kabaxay Dugsigaasi

Xildhibaan Mohamed Khadar Daahir Ayaa Ugu Horayn Bulshada Kudhaqan Deegaanka Ballimataan Oo Kamid Ah Dadwaynihii Codka Ugu Badansiiyay Doorashadii Golaha Wakiilada Ee Dalka Kadhacday Ayaa Ugu Horayn Shacabka Reer Ballimataan Ubalanqaaday Inaanuu Codkoodii Dayici Doonine Uu Wax Ugu Qabandoono

Dhanka kale Xildhibaan Mohamed Khadar Daahir Waxaa Uu Isaga Oo Kawakiila Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Uu Balanqaaday Inay Kafaala Qaadi Doonaan Saddex Arday Oo Kamid Ah Ardayda Kabaxday Dugsiga Sare Ee Ballimataan Waxaanuu Yidhi :- ” Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Aniga Oo kawakiila Gudoomiyahayga Faysal Cali Waraabena Kawakiila Maanta Halkan Hortiina Waxaanka Qaadanaynaa Anaguna Saddex Arday ” Xildh Mohamed Khadar Daahir

Xildhibaan Mohamed Khadar Daahir Waxaa Uu Sidoo Kale Kawaramay Baahiyaha Uu Qabo Dugsiga Sare Ee Ballimataan Kaasoo Sheegay Inuu Dugsigu Ubaahanyahay Sollar Ay Isticmaalaan Ardaydu Waxna Kubartaan ” Iskuulkii Wuxuu Ubaahanyahay Waxkaleba Aynu Iska Daynoe Hoolka Noocan Oo Kale Ah Ee Ay ardaydu Waxku Akhristaan Inaynu Ugu Xidhno Sollar System Aywaxku Akhristaan Si Ay Uga Caawiso Wax Akhriskooda ” Xildh Mohamed Khadar Daahir

Dhanka Kale Xildhibaan Mohamed Khadar Daahir Waxaa Uu Sheegay In Sollar Systemkaas Ayku Baxayso 3500 Oo Dollar Isla Markaana Ay Xisbia Ahaana Ay Qaadanayaan 1000 Doolar ” Sidaa Awgeed Sollar Systemkaasu Wuxuu Kukacayaa Sida Lanoo Sheegay 3500 Oo Dollar Saddexda Iyo Shantaa Boqol Ee Doolarna Anagu Xisbi Mucaarad Ah Ayaanu Noo Qacanta Waxbadani Nooguma Jiraane Taana Waxaanu Qaadanay  ” Xildhibaan Mohamed Khadar Daahir

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom