telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii ka dhacay Muqdisho

.

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa lagu soo rarray lagu qarxiyay meel dhawr tallaabo u jirta bar kontorool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada.

Dad goobjoog ah ayaa BBC-da u sheegay in qofka waday gaariga qaraxu saarnaa uu bartilmaameedsaday gaadiid taagnaa goobta hubinta oo doonayay inay u gudbaan wadada aada madaxtooyada, dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo weriyay kuwaas oo isugu jira askar iyo rayid wadada marayay, inkastoo tiro is khilaafsan ay ka soo baxayso dadka waxyeelladu gaartay.

Booliska ayaa xaqiijiyay in gaari walxaha qarxa lagu soo rarray lagu qarxiyay isgoyska Ceelgaabta, waxayna intaa ku dareen inay ururinyaan xogta khasaaraha uu qaraxu sababay.

Gadiidka gurmadka degdeg ah ayaa dadkii dhaawaca ahaa goobta ka qaaday, iyadoo kuwa dambka damiyana ay bakhtiiyeen dab qabsaday gaadiidka goobta taagnaa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay in bartilmaameedku ahaa masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Federaalka, balse kooxdu ma aanay sheegin tirada dadka ay dileen ama dhaawaceen

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom