telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Agaasime Cabdirashiid Caydiid Yaasiin Oo Uu Madaxweynaha Somaliland Umagacaabay Inuu Noqdo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland

Hargeisa(Gaaroodinews) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi Biixi Ayaa Md Cabdirashiid Caydiid Yaasiin U Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland

Md Cabdirashiid Caydiid Yaasiin  Ayaa 20kii Sano Ee Ugu Dambeeyey Ka Shaqayanaayey Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland

Agaasime Cabdirashiid Caydiid Yaasiin Waxaa Uu Soo Noqday Intii Uu Kahawlgalaayay Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Gudoomiyiihii Sports-ka Gobolka Maroodi-Jeex Waxaa Kaloo Uu Soo Noqday La Taliyaha Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Sidoo Kale Waxaa Uu Soo Noqday Gudoomiyihii Xidhiidhka Kubada Cagta Jsl Sidoo Kale Wuxuu Soo Noqday Agaasimihii Waaxda Qorshaynta Iyo Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha.

Agaasime Abdirashid Caydiid Yaasiin Ayaa Markuu Soo Baxay Warka In Madaxweynaha Somaliland Uu Umagacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Ay Bulshada Kala Duwan Ee Magac Iyo Muuqba Taqaanaa Ay Baraha Bulshada Kusoo Xardhaayeen Mahadnaq Ay Madaxweynaha Qaranka Uga Mahadnaqaayeen Magacaabiista Masuulkan Waxaanay Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cabdirashiid Caydiid Yaasiin  Ku Hambalyaynayeen Xilkaa Cusub Ee Loo Magacaabay Iyaga Oo Sheegay Inuu Halkaa Iyo Meel Ka Saraysa Uu U Qalmo Sidoo Kale Dhamaan Baraha Bulshada Dadka Ugu Badan Ee Faaqidaayay Magacaabista Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Ciyaaraha Waxay Sheegeen In Madaxweynaha JSL Maanta Uu UHiiliyay Dhalinyaradii Iyo Ciyaarihii Dalka Taasna Waxaa Cadaynaysa Waa Masuulka Ugu Hambalyaynta Badan Masuuliyiinta Maanta Uu Madaxweynuhu Uu Magacaabay

 

 

 

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom