telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Deg+Deg:- Masuuliyiin Hore Uga Tirsanaan jiray Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani Oo Shir Ku Yeeshay Magaalada Hargeysa + Sababta

Hargeisa(Gaaroodinews) Masuuliyiin Hore Uga Tirsanaan jiray Xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani Ayaa Shir ku yeeshay Hotelka Sky Ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka qayb galeen, kana dhex muuqdeen siyaasiyiin caan ahi.

Masuuliyiintan, oo qaarkood wakhti hore iscasileen Xisbiga Waddani, halka kuwa kalena laga saaray Xisbiga iyo kuwa aan la ogeyn meel ay ku shaaciyeen in ay Waddani ka baxeen.

Siyaasiyiintan is abaabushay, ayaa u muuqda kuwo ka biyo diidan Xisbiga Waddani, oo dhoola tus siyaasaddeed samaynaya.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom