telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xildhibaan C/naasir Yuusuf Cismaan (Qodax) Oo Booqday Degmada Sallaxley + Sawiro

Salaxley(Gaaroodinews) Xildhibaan C/naasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta Booqday Degmada Sallaxley

Xildhibaanka ayaa markii uu gaadhay Degmada, waxaa halkaasi ku qaabilay Maamulka Degmada Sallaxley, oo uu hormuud u yahay Maayirka Degmada Sallaxley Axmed Buraale Iimaan

Intaasi kadib, xildhibaanku wuxuu wakhti la qaatay bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo la wadaagay shaah iyo sheekoba.

Bulshada ayaa xildhibaanka ku amaantay siduu bulshadiisa ugu soo noqday, iyo siduu uga shaqeenayo danahooda.

Xildhibaanka ayaa intaas kadib ka qeyb-galay Munaasibad loo qabtay arday dhamaystay Waxbarashada farsamada Gacanta.

Waxaana fursadaas waxbarasho fuliyay Ururka dhalinyarada SAYDO.

Xildhibaan Qodax, ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanu ballan-qaaday in aanu ka daali-doonin u adeegidda Bulshadiisa.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay, masuuliyiin kala duwan, oo uu ku jiro Maayirka Salaxley, waxaanay dhamaantood ka markhaati-kaceen Dadaalka xildhibaanka iyo waxqabadka uu sameeyay muddadii koobnayd ee uu Xildhibaanka ahaa.

Ugu dambayn, Xildhibaan Cabdinaasir qodax, wuxuu agab ciyaareed gudoonsiiyay Lix kooxood oo kubadda cagta ah, kuwaas oo loo qaban-doono Tartan.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom